Fana: At a Speed of Life!

Kulan uu soo qaban-qaabiyey Golaha Federeeshinka ,oo ay ka soo qeyb-galeen deegaannada bariga iyo galbeedka Itoobiya oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa

Addis Ababa,Apr 24, 2021 (Miyasiya 16,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kulan uu soo qaban-qaabiyey Golaha Federeeshinka ee dalku oo ay ka soo qeyb-galeen deegaannada bariga iyo galbeedka Itoobiya ayaa ka qabsoomay caasimadda dalka ee magaalada Addis Ababa.

Kulankani ayey deegaammada deriska ah ee bariga iyo koonfurta dalku kaga wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa deegaannadaasi.

Af-hayeenka Golaha Federeeshinka Mudane Aadan Faarax ayaa sheegay in uu kulankani wax weyn ka tarayo sii-xoojinta walaaltinnimada ka dhaxaysa deegaannada jaarka ah, qeybna ka yahay hirgalinta bayaankii dhawaan dalku soo saaray ee ku salaysnaa sii-xoojinta wadashaqaynta deegaannada deriska ah ee dalka.

Kulankani oo ay ka soo qeyb-galeen madaxwaynayaasha deegaammada bariga iyo koonfurta dalka ayaa daba socday kulankii ay horey isugu yimaadeen ee ka qabsoomay magaalada Bahardaar ee caasimadda Deegaanka Amxaarada.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.