Fana: At a Speed of Life!

Milateriga Suudaan oo xabsiga u taxaabay Ra’iisal-wasaare Cabdallah Xamduuk

Addis Ababa,Oct 25,2021 (Diqimti 15,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Milateriga Suudaan ayaa xabsiga u taxaabay Ra’iisul-wasaarahii Sudan Cabdallah Xamduuk.Ra’iisul-wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa saaka xabsi guri ay geliyeen dabley aan la aqoonin.

Hawlgalkan kahor, waxa la xidhay dhowr sarkaal oo rayid ah oo uu ku jiro la-taliyaha ciidanka Suudaan ahna taliyaha guud iyo xubin ka tirsan golaha sare ee talada haya.

Iskahor-imaadyo dhexeeya milatariga iyo kooxaha rayidka ah ayaa sii xoogaystay kaddib markii ay dowladdu ku dhawaaqday af-gambi dhicisoobay bishii hore. Magaalada Khartuum, waxaa xilligan ka go’ay adeeggii internet-ka, taasi oo adkaysay in la ogaado waxa socda.

La -taliyaha ra’iisul-wasaaraha iyo af-hayeenka golaha madax-bannaanida oo ay ku jiraan wasiirrada war-faafinta iyo warshadaha ayaa la xiray.

haddaba,Kuwan soo socdaa waa qaar ka mid ah wasiirrada, saraakiisha dowladda iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada illaa hadda loo taxaabay.

  1. Wasiirka Isgaadhsiinta Haashim al rasuul.
  2. Wasiirka Warshadaha Ibraahim Alshek
  3. Wasiirka War-faafinta Xamza Bulu
  4. Khaalid Yuusuf, madaxa arrimaha xukuumadda
  5. Maxamed Alfaki, Xubin ka tirsan golaha fulinta ee golaha FKMG
  6. Cumar Adegber, guddoomiyaha Xisbiga Congress -ka Suudaan
  7. Guddoomiyaha Xisbiga kacaanka Carabta, Cali Al-Riyaad Al-Sunxuuri
  8. Duqa Magaalada Khartoum Ayman Nimir iyo
  9. Jacfar Xasan, Afhayeenka Kacaanka Dimuqraadiga.

Ciidanka Hamiti ayaa lagu amray inay ilaaliyaan goobaha muhiimka ah ee Khartuum

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.