Fana: At a Speed of Life!

Labada Gole ee JDFI oo kal-fadhi wadajir ah yeelanaya

Ababa Sep 30, 2020 (Maskerem 20,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Labada Gole ee Golaha Wakiilada JDFI (HPR) iyo Golaha Aqalka Federeeshanka (HoF) ayaa maalinta isniinta ee soo socota yeelanaya kal-fadhi wada jir ah.

Madaxweynaha JDFI Marwo Sahle-Work Zewde ayaa kulankaas ka jeedin doonta hadal furitaan ah, iyadoo si gaar ah-na diiradda loogu saari doono howlaha muhiimka ah ee dowladda ee sanad maaliyadeedkan dalkan Itoobiya.

Golaha Federeeshanka JDFI ayaa sidoo  kale yeelanaya kal-fadhigiisii caadiga ahaa marka ay taariikhdu tahay 6-da iyo 7-da bisha Oktoobar, sida bayaanka lagu xusay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.