Fana: At a Speed of Life!

Maalgashade u dhashay dalka Qadar oo saami $100,000 ah ka iibsaday biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya(GERD)

Addis Ababa DEC 16, 2020 (Tehsas 07,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Maal-qabeen u dhasay dalka qatar oo lagu magacaabo Cabdale Saalim Sulaytiin islamarkaana ah mulkiilahas hirkada lagu magacaabo Al-Sulaytin Group,ayaa saami weyn ka iibsaday biyo-xidhheenka weyn  Itoobiya saamigaas oo  dhan100,000 oo Dollarka Maraykanka si uu dhaqaale ahaan ugu taageero biyo xidheenka.

sida ay ay ku warramayso safaarada Itoobiya ee  Qadar ,waxa ay sheegay in maalqabeenkan  shirkadda Al Suleytin Group uu isla sannadkii  2015 uu saami kaas la mid ka iibsaday biyo-xidheenka.

Intii ay socotay munaasibadii lagu kala wareegay saamiga lacagtaas ,mulkiilaha shirkadu waxa uu bogaadiyay habsami usocodka biyoxidheenka iyo in si guul leh ku dhammaado.

Wuxuu sheegay in biyo xidheenku muhiimad dhinacyo badan leh, u leeyahay wadamada uu maro.

Dhanka kale ,danjire Saamiya oo ah safiirka Itoobiya ee Qadar waxa ay bogaadisay maal-gashadaha u dhashay Qadar ee kaalmada dhaqaale gashaday biyo-xidheenka weyn ee Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.