Fana: At a Speed of Life!

Maamulka hay’adda warbaahinta Itoobiya oo digniin kama dambays ah u diray wakaalada wararka ee AP

Addis Ababa,May 18, 2021 (Ginbot 11,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Maamulka hay’adda warbaahinta Itoobiya ayaa soo saaray digniin qoraal ah oo ka dhan ah wakaalada wararka ee AP (AP) ,taasoo la xidhiidha warar been abuur ah oo laga baahiyay u dib u dhigista doorashooyinka guud ee soo socda

Hay’adda ayaa shirjaraa’id oo ay maanta qabatay waxa ay warbixin ka siisay warbaahinta dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee la xidhiidha dib u dhigista doorashooyinka iyo arrimo la xidhiidha warbaahinta.

Agaasimaha guud ee wakaaladda warbaahinta Itoobiya, Maxamed Idiris oo tafaasiil ka bixiyay sababaha doorashada dib loo dhigay ayaa sheegay in ay yihiin sababo la xidhiidha hanaan farsamo iyo cilladaha dhanka logistic ah,laakiin wakaalada wararka ee AP ayaa si khaldan u tebisay arimaha ka warbixinaya doorashada oo ay ku sheegtay in ay tahay sababo xaaladaha ka taagan deegaanka Tigray. Waxaana uu agaasimuhu hadalladaasi ku tilmaamay kuwo xaqiiqdada ka fog ,oo marin habaabin ah.

Wakaalada wararka ee AP ayaa loo diray digniin kama dambayn oo loogaga digayo in ay ka waantowdo wararka aan salka iyo raadka toona lahayn ee ay ka baahinayo arrimaha dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.