Fana: At a Speed of Life!

Maamulka horyaalka premier league oo shaaaciyay natiijada baadhitaankii u dambeeeyay ee feyraska karoona.

Addis Ababa june 7,2020 (Ginbot 30,2012 T.I)-Premier League ayaa soo saaray natiijada baadhitaankii ay Khamiistii iyo Jimcihii ku sameeyeen ciyaartoyga kooxaha heerka koowaad ee Premier League, kuwaas oo todobaadkiiba laba jeer laga baadhay Fayraska Karoona.

Premier League waxa uu sheegay in wareeggii ugu dambeeyey oo ahaa kii lixaad ay tijaabooyinkiisa qaadeen labadii maalmood ee ugu dambeeyey Todobaadkii hore, ayna dheecaanno ka qaadeen 1,195 ciyaartoy oo kooxaha heerka koowaad ah.

Baadhitaanka ciyaartoyda oo si joogto ah loo samayn doono illaa inta horyaalka Premier League laga dhamaystirayo bisha July, waxa hore loosoo sameeyey shan jeer oo fayraska lagaga helay 13 qof oo ciyaartooyo iyo shaqaalaha tababarka iskugu jira, waxaana kiiskii ugu dambeeyey uu kasoo baxay kooxda Tottenham oo Arbacadii qiray in qof aanay magacaabin oo kooxdeeda ka tirsan ay gelinayso karantiil kaddib markii ay baadhitaan ku ogaadeen in COVID-19 uu hayo.

War-saxaafadeed uu xalay soo saaray Premier League oo natiijada baadhitaanka Khamiistii iyo Jimcihii lagu soo bandhigay ayaa lagu sheegay in aan wax kiisas ah laga helin 1,195 qof oo tijaabo lagu sameeyey.

“Premier League waxa uu xaqiijinayaa in Khamiistii 4 June iyo Jimcihii 5 June laga baadhay caabuqa Covid-19 1,195 ciyaartoy iyo shaqaalaha kooxaha iskugu jira. Baadhitaankan laguma helin cid uu caabuqu hayo.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Premier League soo saaray xalay.

Isu-geyn waxa illaa hadda uu Premier League baadhitaano ku sameeyey 6,274 ciyaartoy iyo shaqaale iskugu jira oo lix jeer oo kala duwan ah, waxaana lagu ogaaday in 13 qof oo kali ah uu ku dhacay, hase yeeshee tijaabadan ugu dambaysay ayaa waxay keenaysaa kalsooni weyn oo ah in xaaladdii xanuunku ay hoos u dhacday oo badqabku badan yahay.

Horyaalka oo dib u bilaabmi doona 10 maalmood kaddib, waxaana ugu soo horreeya kulammada ay foodda isku dari doonaan kooxaha Manchester City vs Arsenal iyo Aston Villa vs Sheffield United.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.