Fana: At a Speed of Life!

Maamulka magaalada Addis Ababa oo soo saaray mashruuc1.2 M qof loogaga badbaadinayo Feyraska.

Addis Ababa Jul 23,2020 (Hamle 16,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Maamulka Magaaladan Addis ababa ayaa soo saaray mashruuc cusub oo lagaga hortagayo xanuunka ‘COVID 19’ kaas oo hadafkiisu yahay in xanuunka coronavirus lagaga badbaadiyo in kabadan 1.2 milyan oo qof oo ku nool caasimada.

Mashruucan oo socon doona lixda bilood ee soo socota ayaa hal-kudhigiisu yahay “Caafimaadkeenu Gacmaheena ayuu ku Jiraa”  waxaana si wada jir ah u daah-furay hay’adda Dalberg Group iyo kooxo Hay’ado Samafal ah iyo sidoo kale hay’addo dawladeed iyo kuwo gaar loo leeyahay-ba, sida lagu sheegay ilo wareedyadan oo kasoo baxay xafiiska Xoghaynta Duqa Magaalada.

Kuxigeenka Duqa Magaaladan Addis Ababa iyo Isuduwaha Kooxda Adeegga Dadweynaha ee Addis Ababa, Injineer Endawok Abitie iyo Agaasimaha Roha Africa, Wolela Hailesselassie ayaa maanta xadhiga ka jaray (bilaabay) mashruucan.

Mashruucan ayaa la sheegay in adeeg bixin lagu siinayo1.2 Milyan oo ah dadka ku dhaqan magaalada Addis Ababa iyaga oo heli doona agab fayadhowr iyo mid nadaafadeed-ba iyada oo lagu saleysanayo tirada uu ka koobanyahay qoysku.

Sida lagu sheegay warbixinta Mashruucu waxa uu sidoo kale ujeedadiisu tahay inuu fuliyo waxqabadyo wacyigelin bulshada dhexdeeda ah oo ku aaddan dagaalka ka dhanka xanuunka faafaha daran.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.