Fana: At a Speed of Life!

Maayar-kuxigeenka magaaladdan Addis Ababa iyo safiirka Israel ee Itoobiya oo ka wada hadlay arrimo badan

Addis Ababa,Feb 16, 2021 (Yekatit 09,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Kuxigeenka Duqa Magaaladan Addis Ababa, Adanech Abiebie iyo Safiirka Israel Raphael Morov ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin qaababka loo abuuri karo iskaashi ah dhinacyada dhaqanka iyo dalxiiska.

Labada dhinac ayaa isla soo qaaday qaababkii ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada waxbarashada, maalgashiga ,dhaqanka ,dalxiiska ee heer magaalooyin ahaan.

Duqa iyo Safiirka ayaa sidoo kale kawada hadlay hannaanka loo dhisi karo iskaashi dhexmara Addis Ababa iyo magaalooyinka Israel.

Adanech ayaa dhankeeda muujisay sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka geysato sidii loo sii adkeyn lahaa xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Israel.

Safiir Rapael Morov ayaa dhankiisa bogaadiyay cilaaqaadka soo jireenka ah ee udhaxeeya Itoobiya iyo Israel isagoo balanqaaday sii wadida iskaashiga dhinacyada badan leh ee wax wadaqabsiga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.