Fana: At a Speed of Life!

Macron: Waan fahmi karaa cadhada Muslimiinta ee ka dhalatay sawirka Nabi Muxamad NNKH

Addis Ababa Nov 01, 2020 (Tiqimti 22,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu fahmi karo sababta ay Muslimiinta uga argagaxeen sawir gacmeedka muranka dhaliyay ee muujinaya Nabi Muxamed NNKH.

Laakiin, wareysi uu siiyay warbaahinta Al Jazeera, ayuu ku sheegay in uusan marnaba aqbali karin in arrinta rabshada looga jawaabo.

Hadalka Macron ayaa imanaya ka dib weerarkii Khamiista lagu dilay kaniisad ku taal magaalada Nice kaasi oo looga shakisan yahay iney geysteen Islaamiyiin.

Waxaa sii kordhayay khilaaf ka dhex aloosan qaar ka mid ah dalalka Muslimiinta ah iyo Macron kaasi oo ku saabsan arrinta kaartuunnada.

Qaarkood waxay ku booriyeen in la qaadaco wax soo saarka Faransiiska madaama Mr Macron uu difaacay xuquuqda loo adeegsaday sawirada marka la eego xorriyadda hadalka.

Horaantii bishaan ayaa macalin qoorta looga jaray xaafad ka mid ah magaalada Paris kadib markii uu qaar ka mid ardeydiisa tusay kartoonada Nabi Muxamed NNKH.

Dhanka kale wakaaladda wararka ee Tunisia ayaa ku warramaysa in laba qof halkaas lagu xiray si su’aalo looga waydiiyo weerarkii Nice, ee uu fuliyay nin reer Tunisia ah.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa sheegay iney u badantahay in weero dheeraad ay ka dhacaan dalka Faransiiska.

Dhanka kale Baadari Greek ah ayaa dhaawac ka soo gaadhay kaddib markii la toogtay, xilli uu xidhayey kaniisad ku taalla magaalada Lyon.

Golaha baadiriyada dalka Faransiiska ayaa dhalleeceeyey falkan, waxa ayna ku tilmaameen cimillo amnidarro oo dalkii ku sii fafaaysa.

Shaqsiga weerarkaasi looga shakiyey ayaa isku dayay inuu meesha ka baxsado, balse booliska Faransiiska ayaa gacanta ku soo dhigay ninki hubeysnaa ee weerarka geystay.

Madaxweyneha Faransiiska ayaa mar sii horreeysay sheegay hadal ka careeysiiyay dalalka Muslimiinta ka dib markii la gowracay macallin ardaydiisa tusay sawir ku saabsan Nabi Muxamed NNKH.

Macron ayaa si xooggan u difaacay sawirada uu macalinka ardeydiisa tusay, waxa uuna sheegay iney xorriyatul qowlka ka mid ah.

Sawiradda Nabi Muxamed NNKH waxay muslimiinta u horseedi kartaa ciqaab culus sababtoo ah dhaqanka Islaamka wuxuu si cad u mamnuucayaa sawirrada Nabiga iyo Allaah SW.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.