Fana: At a Speed of Life!

Madaxa arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee DDS oo kulan lagu dardegelinayo ka wacyugelinta bulshada cudurka coronavirus ,la qaatay Ururka (liigga) Dhallinyarada Xisbiga Barwaaqo ee magaalada Jig-Jiga

Addis Ababa,Apr 11, 2021 (Miyasiya 03,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxa arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee Dawladda Deegaanka Soomaalida Mudane Faysal Rashiid oo kulan la yeeshay Ururka (liigga) Dhallinyarada ee Xisbiga Barwaaqo ee magaalada Jig-Jiga ayaa sheegay in Liigga Dhallinyarada ay sii dar-dargaliyaan hawlaha lagula tacaalayo Covid-19, maadaama oo dhallinyaradu ay yihiin laf-dhabarta bulshada.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Liigga Dhallinyarada ee magaalada Jig-jiga waxayna ahmiyaddiisu ahayd siday Liigga Dhallinyarada ay uga qeyb-qaadan lahaayeen ka-wacyi-galinta bulshada faafitaanka iyo ka-hortagga caabuqa karoona fayriska, kaasi oo dib u soo laba-kacleeyay, shacabkuna aynan ku baraarugsanayn dhibaatada uu leeyahay karoona fayriska.

Waxaa looga baahan yahay Liigga Dhallinyarada inay ka hawl-galaan, islamarkaana ay sameeyaan baraarujin, iyo inay shacabku joogteeyaan isticmaalka marada af-daboolka, iyagoo ilaalinaya kala-fogaanshaha, kuna dadaalaan farxalka wakhti kasta.

Kulankan kaddib, ayey Liigga Dhallinyarada Deegaanka Soomaalida waxay billaabeen ol’ole ay ku qeybinayaan marada af-xidhka iyo farxalka jeermis-dilaha Aalkoosha goobaha ay bulshadu ku badan tahay.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.