Fana: At a Speed of Life!

Madaxda ugu sarraysa dowladda federaalka oo maanta yeeshay doodo ay kaga arrinsanayaan xaaladda dalka

Addis Ababa,DEC 30,2021 (Tihsas 21,2014 T.I (FBC/SOMALI)-rMadaxda ugu sarraysa dowladda federaalka ayaa maanta yeeshay doodo ay kaga arrinsanayaan xaaladda dalka.

Kadib markii uu dhamaaday wajigii koobaad ee dagaaladii xooga looga saaray ururka argagixisada TPLF deegaanadii ay haysteen ayaa waxaa saaka xisbiga barwaaqo ee dalka uu bilaabay doodo diirada lagu saarayo wada hadalada lagu balaadhinayo muga siyaasadeed kadib guulihii la gaadhay iyo sidii lagu gaadhi lahaa nabad iyo horumar waara mustabalka.

Si xalwaara loogu helo caqabadaha siyaasadeed, dhaqaale, dad iyo amni ee guushii kadib Madaxa Xisbiga Barwaaqo ee dalka mundane Aadan Faarax ayaa si qoto dheer uga hadlay faahfaahinta iyo dooda waaya aragnimada midnimada qaran ee geedi socodka.

Waxaa la filayaa in wada-hadalladan laga soo saaro sidii loo maareyn lahaa xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale, amni iyo kuwa bini’aadantinimo ee dagaalkii guusha ciidanka qaranku ay ka keeneen ururka argagixisada TPLF kadib.Dooddan ayaa soconaysa 3 maalmood oo xidhiidh ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.