Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynaha DDS oo xaaladda abaareed ee saamaysay deeegaanka Soomaalida uga warbixiyay agaasimaha Bariga Africa ee hay’ada UN-OCHA

Addis Ababa,Jan 31,2022 (Dir 23,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ay hoggaaminayaan mudane Daniel Peter oo ah Agaasimaha Bariga Africa ee hay’ada UN-OCHA iyo Michel Saad, oo ah Madaxa Hay’ada UN-OCHA ee xafiiska Itoobiya.

Kulankan ayay ujeeddadiisu ahayd sidii ay hay’adani qayb uga noqon lahayd gurmadka bulshada la dhibaataysan xaaladda abaarta iyaga oo war-bixino kala-duwan ka siiyay sida xaal yahay hadda iyo baaxada ay la’egtahay saamaynta abaartu.

Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in dawladdu gurmad ballaadhan oo lagaga jawaabayo xaaladda abaarta ay wado gaar ahaan dhinacyada cunnada, biyo-dhaaminta iyo ka-hortagga nafaqo-darada.

Madaxweynaha ayaa ku daray in Ka xukuumad ahaan ay ka go’antahay in khayraadka ugu badan ee deegaanka la geliyo ka-jawaabidda xaaladda abaarta, (horeyna waan usoo gelinay) balse waxa lagama maar-maan ah in kaalinta hay’aduhuna ay muuqdaan.

Dhankiisa, agaasimaha Bariga Africa ee hay’ada UN-OCHA Daniel Peter, ayaa sheegay in ay gacan ka geysanayaan ka jawaabidda abaarta daran ee ku dhufatay  deegaanka soomaalida. ‘’Waxaan diyaar u nahay in aannu si wada jir ah uga jawaabno abaarta dawladdana ku garab istaagno daddaalada ay waddo annaga oo kulammo kala-duwan la qaadanayna yaboohna ka samayn doona hay’adaha deeq-bixiyayaasha ah”.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.