Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynaha DDS oo xadhiga kajaray Dugsi-sare oo laga hirgaliyay magaalada Harta-sheekha.

Addis Ababa,Mar 20, 2021 (Megabit 11,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxwaynaha DDS oo ay kuweheliyaan masuuliyiin heer deegaan ah, iyo kuwa heer federal ah, ayaa gaadhay magaalada Harta-sheekha.

Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar iyo Wasiirka Xafiiska Waxbarashada Mudane Maxamed Faatax Maxamed, ayaa xadhiga kajaray Dugsiga sare ee Dr. C/majiid Xuseen oo ay kubaxday aduun lacageed oo dhan 12, 898,126 oo birr .

Xadhig-kajarka Dugsiga kadib waxa ay masuuliyiintu kulan laqaateen qaybaha kaladuwan ee shacabka magaalada
Harta-sheekha oo soodhaweeyay dugsigani sare ee ay xukuumadu kahirgalisay magaalada, maadaama baahi badan ay uqabeen bulshadu, horeyna ay uga codsadeen xukuumada, balse jawaabtii oo deg-deg ahna ay helaan.

Bulshada magaalada Harta-sheekha ayaana xukuumada ku amaanay mashaariicaha horumarineed ee ay kafulisay magaalada, sidoo kalana balan qaaday in taageero dhinacwalba ah ay lagarab joogaan Xukuumada iyo Xisbiga Barwaaqo, Iyagoo codkooda kumuujin doona xilliga Doorashada.

“Horumarku waa bilow, marka loo eego baahida balaadhan ee kajirta Deegaanka Soomaalida, balse waxaa noo’qorshe ah in guud ahaanba awooda xukuumada la’isugu geeyo kajawaabista baahiyaha shacabka, iyadoo marwalba lagu xisaabtamayo awooda fulineed ee Dowlada” ayuu yidhi Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo lahadlayay shacabka magaalada Harta-sheekha.

Dugsigani oo ay darajadiisu tahay “B” ayaa kamida ah mashaariicihii sanadkii 2012ka uu xafiiska waxbarashadu kabilaabay Harta-Sheekha ayaa waxaa fulisay shirkada (General Construction Company)

Ugu danbayn shacabka magaalada Harta-sheekha ayaa Madaxwaynaha Gudoonsiiyay hadiyad la’isgudoonsiiyo mida ugu qiimaha badan oo ah “Kitaab-Quraana”.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.