Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynaha Deegaanka Axmaarada oo gaadhay magaalada jigjiga

Addis Ababa,FEB 02,2022 (Dir 25,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Deegaanka Axmaarada, Dr. Yiliqal Kifale ayaa ka degay garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal, waxaana si diirran halkaasi ugu soo dhaweeyay masuuliyiin uu horkacayo Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxweyne-ku-xigenka, mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, Af-hayeenka golaha xildhibaanada, marwo Ayaan Cabdi, Inj. Maxammed Shaalle Isaaq, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, masuuliyiin sare oo heer Deegaan ah iyo odayaal-dhaqameedka Deegaanka.

Masuuliyiinta sare ee Deegaanka Axmaarada ayaa goor-dhaw la filayaa in ay ku wareejiyaan xukuumadda DDS, deeq ay ugu talo’galeen in ay ku caawiyaan bulshada Deegaanka ay la dhibaataysan xaaladda baahsan ee abaarta.

Xigasho: XWDDS

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.