Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynaha deegaanka Shucuubta Koonfureed iyo wefti uu hoggaaminayo oo gaadhay magaalada Jigjiga

Addis Ababa,Jan 20,2022 (Dir 12,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Waxaa maanta magaalada jigjiga gaadhay madaxweynaha deegaanka Shucuubta Koonfureed mudane Ristu Yirdhaw iyo madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo ee deegaankaasi, mudane Tilahun Kebede iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Waftigan uu hogaaminayay madaxwaynaha deegaanka Shucuubta Koonfureed ayaa saaka gaadhay magaalada Jigjiga si ay ugu qaybqaataan gurmadka loo fidinayo dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan deegaanka soomaalida.

Waftigan ayaa waxa markii ay ka degeen garoonka diyaaradaha garaad Wilwaal ee magaalada Jigjig si diirran ugu soo dhaweeyay madaxwaynaha DDS, mudane Mustafe Muxumed Cumar, madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo ee deegaanka soomaalida mudane  Maxamed Shaalle Isaaq iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.