Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynaha deegaanka soomaalida oo daah-furay sanduuq dhaqaale loogu ururinayo dadkii tacaddiyadu ay soo gaadheen maamulkii TPLF

Addis Ababa,July 03, 2021 (Senee 26,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha deegaanka soomaalida mudane,Mustafe Muxumed Cumar ayaa maanta kaqeybgalay daah-furka sanduuq dhaqaale loogu ururinayay dadkii ay tacaddiyadu kasoo gaadheen maamulkii TPLF.

Madaxweyne Mustafe ayaa yidhi “Ku-dhawaad 30 sano oo Ururka TPLF ay maamulaysay Itoobiya, Deegaanka Soomaalida waxa ay ugu suntan tahay taariikh madow oo xusuuso arxan-darro ah u leh shacabka, haddana si gaar ah 10-kii sano ee u dambaysay. goynta nafta aadamaha, jidh-dilka, kufsiga iyo isir-sifeyntu waxa ay ahaayeen kuwo dhaqan-galay oo ay fulinayeen gacan-yareyaal ka amar qaadanayey saraakiishii TPLF.

Sanduuqan taakulaynta ayaa waxa dhaqaalaha laga soo ururin doonaa qaybaha kala duwan bulshada ee kamid yihiin ganacsatada, dowladda iyo dadweynaha si dhibanyaasha loogu abuuro nolol iyo taageero nafsaani ah .

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.