Fana: At a Speed of Life!

Madaxweyne Mustafe oo kulan Laqaatay saraakiisha Ciidamada Maleeshiyada DDS.

Addis Ababa,Mar 18, 2021 (Megabit 09,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa kulan laqaatay Maleeshiyada iyo Hogaanada Nabadgalyada 11ka Gobol iyo 6da maamul magaalo ee Deegaanka Soomaalida.

Ujeedada kulankani ayaa ahayd isku’xidhka iyo wada shaqaynta kadhaxaysa hay’adaha Nabadgalyada iyo qaabkii ay si hagar-la’aan ah uga wada qayb-qaadan lahaayeen hawlaha amniga.

Saraakiisha ciidanka maleeshiyada DDS ayaana balanqaaday in ay kudhaqmayaan ilaalinta xuquuqda Dastuuriga ah ee ay leeyihiin bulshadu iyo kudhaqanka saraynta Sharciga,Islamarkaasina Madaxwaynaha kacodsaday baahiyaha ay qabaan ee sida Dirayska,Mushahar-korodhka,Qalabka Ciidanka iyo Gaadiidka.

“Maleeshiyadu waa ciidan lamida Ciidamadda kale ee kajira Deegaanka, Xaqna waxaad uleedihiin inaad heshaan Mushahar fiican, Dirays iyo Qalab dhamaystiran oo aad ku hawlgashaan Xukuumaduna taas dadaalkeeda way wadaa, Isbadalkeedana waad arki doontaan”ayuu yidhi Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo kulankani kahadlay.

Madaxwaynaha ayaa sidookale uga mahadceliyay ciidanka Maleeshiyada DDS doorka ay kuleeyihiin Sugidda Nabadgalyada, Kulana dardaarmay in ay layimaadaan an-shax iyo hab-dhaqan wanaagsan, taasi oo ah waxa kaliya ee ay ku-kasbankaraan shacabkooda, maadaama doorashadii 6 aad ee Dalku ay soodhawdahayna ay kamadax banaanaadaan arrimaha qabiiliga ah oo ay kudhaqmaan kaliya saraynta Sharciga, loona baahanyahay in ay udiyaar garoobaan sidii ay U’ilaalin lahaayeen qalabka Doorashooyinka, ulana shaqayn lahaayeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Ugu-danbayn Tababar kusaabsanaa wacyi’galinta iyo kor uqaadida garaadka saraakiisha usaraysa Maleeshiyada iyo hogaanada Nabadgalyada 11ka Gobol iyo 6da maamul magaalo ee Deegaanka Soomaalida ayaa muddo 5barri ah ugasocday magaalada Jigjiga, taasi oo sidoo kalana gun-dhig u’ahayd qaabkii si’dhow loola shaqayn lahaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.