Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynaha Tanzania oo isku shaandhayn ku samaysay golaha wasiirradeeda

Addis Ababa,Apr 01, 2021 (Megabit 23,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha Tanzania Saamiya Suluhu Xasan ayaa isku shaandheyn ku sameysay golaheeda wasiirada, laba todobaad uun iyada lago joogo dhaaranteedii ,ka dib geeridii ku timid madaxweynihii hore ee dalkaasi John Magufuli. Golaha wasiirada la magacaabay ayaa waxa  kasoo muuqday wajiyo cusub.

Waxaana  ka mid ah diblomaasiyad hore oo lagu magacaabo Liberata Mulamula oo hadda la wareegtay xilka wasiirka arrimaha dibadda, iyadoo beddelaysa wasiirkii muddada dheer soo hayay, Prof Palamagamba Kabudi, oo ku soo noqday shaqadiisii ​​hore ee caddaaladda iyo arrimaha dastuurka.

Mulamula waxa ay ahayd safiirkii hore ee Tansaaniya u fadhiday Maraykanka. Waa haweeneydii labaad ee xilkan qabata kadib Dr Asha-Rose Migiro oo xilka wasiirka arrimaha dibedda Tanzaaniya soo qabatay intii u dhaxeysay 2006 -2007-dii.

Mwigulu Nchemba, oo isaguna ahaa wasiirka cadaalada iyo dastuurka, ayaa hada loo magacaabay wasiirka maaliyada, isagoo buuxinaya booskii uu banneeyay Dr .Philip Mpango  oo loo magacaabay madaxweyne ku xigeenka dalkaasi.

Madaxweyne Saamiya waxa ay sheegtay in aan isku shaandheyn ballaadhan loo baahneyn ,maadaama inta badan wasiirada hadda ay yihiin kuwo dhowaan la dhaariyay.

Isbedelada kale waxaa ka mid aha magacaabista xoghayaha guud ee cusub, Xuseen Yaxya Katanga, oo ahaa danjirahii Tansaaniya u fadhiyay Japan. Katanga wuxuu badalay Bashiru Ally oo bil ka hor uu magacaabay madaxweynihii geeriyooday ee Magufuli.

Madaxweyne Saamiya ayaa ku dhawaaqday iskushaandhaynta golaha wasiirada intii socotay xafladii dhaarinta madaxweyne ku xigeenka cusub ee Tanzania Dr .Philip Mpango .

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.