Fana: At a Speed of Life!

Madaxweyne Mustafe oo ka qaybgalay munaasibad loo qabtay shirkado ku guulaystay barnaamijka shaqo-abuurka deegaanka soomaalida

Addis Ababa,Sep 15,2021 (Maskarem 05,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Waxa magaalada Jig-jiga munaasibad abaal-marin ah loogu qabtay shirkadaha hal-abuurka cusub ee ku guuleystay deynta uu bixinayo komishinka shaqo-abuurka ee DDS.

Shirkadahan oo ah 53 shirkadood ayaa ka gudbay guud ahaanba hal-beegyadii loogu talo’galay bixinta deynta ee uu soo diyaariyay komishinka shaqo-abuurku, waxa ayna hadda qaadan doonaan lacagtii deynta ahayd ee ay ku shaqaysan lahaayeen. Waxaana xafladda abaal-marinta lagu qabtay madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo munaasabaddan ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay ee si cad-caddaan leh loogu tartamo barnaamijka shaqo-abuurka, islamarkaana xusay in ay tahay dadaal boggaadin mudan oo u baahan in lasii xoojiyo.

“Shaqo-abuurku lacag deeq ah ma’aha oo shaqsi baahi looga saarayo, balse waa dadaal la sameeyay oo la taakulaynayo si aynnu u dhiirri-gelinno shaqo-abuurka waa in aynnu ceebayno fikirka ma shaqaystannimada ah”, Mudane Mustafe Muxummed Cumar.

Komishinneerka Komishinka Shaqo-abuurka Iyo Shirkadaha DDS, Marwo Hibo Axmed ayaa sheegtay in xulashada shirkadaha guulaystay ay qaadatay 2 bilood ah.

Mudane C/laahi Maxammed Muuse, Wasirika Xafiiska Tacliinta, Xirfadaha, Farsamada Iyo Sayniska DDS ayaa yidhi; shaqo-abuurkani waxa uu ahaa mid ka duwan kuwii hore ee shaqo-abuurka ahaa, maaddaama loogu tartamay si xor iyo xalaal ah xaalad walbana si toosa loola socday.

Aragtida Komishinka Shaqo-abuurka ayaa ah kor-u-qaadidda kobaca dhaqaale iyo fursadaha shaqo isaga oo horumarinaya hal-abuurnimo, ganacsi-abuur iyo tartan ee shakhsi iyo shirkad, ujeeddaduna waa in muwaadiniinta bilaa shaqada ah loo sameeyo shaqo-abuur.

Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb-galay madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, wasiirka Xafiiska Madaxweynaha, mudane Xasan Maxammed Xuseen, komishinneerka Komishinka Shaqo-abuurka iyo Horumarinta Shirkadaha, marwo Hibo Axmed, Guddoomiyaha guddiga shaqo-abuurka ahna komishinneer-ku-xigeenka Komishinka Shaqo-abuurka Iyo Horumarinta Shirkadaha DDS, mudane C/risaq Aadan Cadhays, masuuliyiin heer deegaan ah, kuwo federaalka ka socda iyo shirkadaha guuleystay.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.