Fana: At a Speed of Life!

Madaxweyne Mustafe oo kulan la qaatay odayaasha DDS

Addis Ababa,July 05, 2021 (Senee 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar Ayaa Kulan La Qaatay Odayaasha Deegaanka.

Kulankan oo ay shir-guddoominayeen Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, Inj. Maxammed Shaalle Isaaq ayaa waxaa ka soo qeyb-galay odayaasha, waxgaradka iyo cuqaasha deegaanka, ujeeddadiisuna waxay ahayd is-xog-waraysi ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo deegaanka.

Qaar ka mid ah odayaasha oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wal-wal badan oo laga qabo ururka argagixisada ah ee TPLF, maadaama awood ahaan iyo dhaqaale ahaanba loo wiiqay.

Waxayna odayaashu soo jeediyeen in xukuumaddu ay sii xoojiso dadaallada dhinaca amniga gudaha deegaanka, deegaannada deriska ah iyo xudduudahaba.
sida oo kalena waxa ay bogaadiyeen ku-dhaqanka dimuqraadiyadda oo ay ku ammaaneen xukuumadda.

Si guud wuxuu madaxweynuhu sheegay in feejignaan iyo ka-baaraan-deg amni oo xooggan ay dawladdu samaysay si loo xaqiijiyo amniga xudduudaha, xasilloonida iyo bad-qabka bulshada.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.