Fana: At a Speed of Life!

Madaxweyne Mustafe oo sheegay in guusha dalku uu ka gaadhay argagixisada TPLF ay tahay mid ku timi Midnimada shacabka

Addis Ababa,DEC 26,2021 (Tihsas 17,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa shalay ka qaybgalay shirweynaha 2aad ee Deegaannada iyo dowladda Federaalka, kaas oo lagu qabtay magaalada Samaara ee Deegaanka Canfarta.

Waraysi uu siiyay warbaahinta Qaranka EBC oo uu kaga hadlayay xaaladda guud ee dalka ee hawlgalka Midnimada qaran, ayaa uu ku caddeeyay in guusha dalku uu ka gaadhay kooxda argagixisada TPLF ay tahay guul shacab-weynaha Itoobiya oo dhami wada gaadheen oo aanay cid gaar ahi sheegan Karin.

Madaxweyne Mustafe oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in guusha ay dowladda Itoobiya ka gaadhay dagaalka dalka lagu khasbay ee argagixisada lagaga adkaaday ay keentay natiijadaasi Midnimada iyo iskaashiga Qowmiyadaha dalka oo dhan,taas oo kala sheegada guusha lagaga adkaaday argagixisada TPLF ay lafigeedu kalaqaybsami iyo khilaaf horseedi karto, isaga oo ka digay in kala sheegashada guushaas ay dalka ugaga darantahay argagixisada TPLF islamarkaana loo baahanyahay in laga feejignaado kalaqaybsanaan iyo khilaaf ka dhasha guushaas.

Geesta kale, Madaxweyne Mustafe iyo dhiggiisa deegaanka Sidama, Desta Ledama ayaa shacabweynaha Itoobiya ugu baaqay in ay beesha caalamka faham buuxa ka ka siiyaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Itoobiya, si kor loogu qaado sharafta iyo milgaha Itoobiya caalamka ku leedahay, meeshana looga xogaha xaqiiqda ka fog ee reer galbeedku ka baahinayaan Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.