Fana: At a Speed of Life!

Madaxweyne Uhuru kenyata oo soo gaadhay Addis Ababa

Addis Ababa,Oct 04,2021 (Maskarem 24,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta ayaa soo gaadhay magaalada Addis Ababa si uga qayb galo xaflada dhisida xukuumadda cusub ee Itoobiya.

Waxaana markii uu kasoo degay gagida diyaaradaha ee Bole si diirran usoo dhaweeyay wasiirka Maaliyadda JDFI Axmed Shide iyo wasiirka waxbarashada Getahun Mekuriya.

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo maanta loo dhaarinayo Ra’iisal Wasaaraha shanta Sano ee socda ka arriminaya dalkan Itoobiya ,ayaa waxa xaflada careemo-saarkisa kaso qayb galay malaayiin dadweyne Itooboyaan ah ,xubno dublamaasiyiin ah iyo hoggaamiyayaal ka kala socday dalalka caalamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.