Fana: At a Speed of Life!

Madaxweynihii Dalka Tanzania oo geeriyooday

Addis Ababa,Mar 18, 2021 (Megabit 09,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Madaxweynihi dalka Taanzaaniya John Pombe Magufuli ayaa ku geeriyooday magaalada Daarusalaam ee caasimadda dalkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Taanzaaniya Samiya Suluhu Hassan ayaa xaqiijisay geerida madaxweynaha oo dadweynaha dalkaasi si toos ah ugala hadashay Tv-ga qaranka.

Waxay sheegtay Samiya Suluhu in madaxweyne Magufuli uu ku geeriyooday Cisbitaal ku yaal Dar es Salaam oo uu ku jiray ilaa 6-dii bishan March.

Sadexdii todobaad ee la soo dhaafay Magufuli oo 61-jir ahaa, muuqaalkiisa lama arag, iyadoo ay jirtay hadal heynta ah inuu geeriyooday.

Samiya Suluhu waxay sababta geerida Magufuli ku sheegtay xanuun wadnaha ah oo uu la tacaalayay 10-kii sano ee ugu dambeeyay.

Madaxweynihii geeriyooday ee John Magufuli ayaa lagu xasuustaa sidii weyneyd  ee uu uga soo horjeestay jiritaanka cudurka Covid-19, isaga oo ku tilmaamay mid salaasadaha iyo ducooyinka lagaga hortagi karo.

Sida ku cad dastuurka dalka Tanzania, Samiya Suluhu Hassan ayaa loo dhaarin doonaa madaxweynaha dalkaas, waxayna dhameystiri doontaa muddo-xileedkii Magufuli oo ah shan sano, maadaama sanadkii hore uu mar labaad ku guuleystay doorashadii guud ee dalkaas ka dhacday.

Samiya ayaa noqoneysaa haweeneydi ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Tanzania iyo weliba dalalka bariga Africa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.