Fana: At a Speed of Life!

Magaalada Jig-jiga oo lagu qabtay shir lagaga wadatashanayo aas-aaska Komishinka Xaqiijinta Iyo Xaal-marinta Tacaddiyadii ka dhanka ahaa xuquuqda aadamaha

Addis Ababa,May 20, 2021 (Ginbot 13,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waxa magaalada Jig-jiga lagu qabtay shirka wada-tashiga iyo aqoon is-waydaarsiga aas-aaska Komishinka Xaqiijinta Iyo Xaal-marinta Tacaddiyadii ka dhanka ahaa xuquuqda aadamaha ee ka dhacay DDS.

Shirka waxaa ka soo qeyb-galay odayaasha Guddiga Nabadda Iyo Midnimada, Xafiiska Nabadgelyada, Xafiiska Xeer-ilaalinta, Xafiiska Booliska iyo xafiisyada kale ee bah-wadaagta ah.

Komishinka ayaa baadhi doona, dabo-galna ku samayn doona tacaddiyadii ka dhacay gudaha DDS si loo soo bandhigo xaqiiqadii ka jirtay Deegaanka Soomaalida.

Axmed Xaaji Samatar, Lataliyeha hoggaanka ee dhanka sharciyada ayaa sheegay in daraasad lagu sameeyey qaabkii uu u shaqayn lahaa iyo sidii loo aas-aasi lahaa Komishinka.

Intii uu kulankan socday waxaa la soo bandhigay doodo iyo falanqayn ku saabsan xilliga loo baahan yahay in ay ku ekaato shaqada Komishinka Xafiiska Nabadgelyada ee DDS ayaana door weyn ka qaatay uruurinta daraasadaha lagu aas-aasayo Komishinka.

Xakuumadda DDS ayaa hadda ka hor guddiyo u xil-saartay soo uruurinta xogaha lagu aas-aasayo Komishinka, waxaana la hor-geyn doonaa Baarlamaanka DDS.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.