Fana: At a Speed of Life!

Marwada Kowaad ee Shiinaha oo agab caafimaad ku wareejisay dhiggeeda Itoobiya

Addis Ababa Aug 10, 2020 (Nehaase 4,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Marwada Kowaad ee Shiinaha, Peng Liyuan ayaa agab caafimaad oo loogu talo galay ka hortaga COVID-19 ugu deeeqday dalkan itoobiya agabkaas oo ka kooban Afdabool (facemask) iyo xummad cabire (thermometer).

Marwada koowaad ee Shiinaha ayaa deeqdan si gaar ah ugu fidisay xafiiska dhiggeeda dalkan Itoobiya,marwo  Zinash Tayachew si oo loogu taageero la dagaallanka cudurka faafaha ee dalka.

Waxyaabaha ay ku deeqday Marwada Koowaad ee Shiinahu waxa ka mid ah 18,000 oo Afdabool iyo 120  ah qalabka xumadda cabira.

Dhanka kale ,bishii Abril ayaa ay ahayd markii dalkan Itoobiya yimaadeen mihnadlayaal cafimaad oo ay dawlada shiinuhu usoo dirtay dhigeeda itoobiya si khibrad ku saabsan la dagaalanka xanuunka faafaha daran ee Covid-19 loo siiyo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.