Fana: At a Speed of Life!

Mashaariic ay ku baxday 42 Milyan oo Birr oo xadhigga laga jaray gobollada Shabeelle iyo Jarar ee deegaanka Soomaalida

Addis Ababa,June 24, 2021 (Senee 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Mashaariic ay ku baxday 42 Milyan oo Birr ayaa xadhigga laga jaray gobollada Shabeelle iyo Jarar ee DDS.

Maareeyaha Mashruuca Horumarinta Hab-nololeedka Bulshada Xoolo-dhaqatada iyo Xoolo-dhaqato-beeralayda Ah (LLRP) iyo xubno uu horkacayo oo socdaal ku marayey gobolka Shabeelle ayaa xadhigga ka jaray mashaariic iskugu jirta dugsi waxbarasho iyo xarumo caafimaad.

Maareeyaha Mashruuca LLRP, Maxammed Sh. Aadan oo xadhig-ka-jarka dugsigaa hoose ee laga hirgaliyey degmada Dhanaan ka hadlay ayaa sheegay in mashaariicuhu yihiin kuwa bulshada xoolo-dhaqatada iyo bulshada xoolo-dhaqato-beeralayada in ay ka faa’iideystaan loogu talo’galay si loo horumariyo adeegyada aas-aasiga ah.

Mashaariicaha iskugu jira dugsi hoose, xarumo caafimaad, xarun caafimaadka xoolaha ah oo laga fuliyey degmooyinka Dhanaan, Cadaadle, Dhagax-madow ee gobollada Shabeelle iyo Jarar ayaa waxaa ku baxday miisaaniyad ka badan 42 Milyan oo Birr sida maamulka mashaariicaha fulinayey sheegeen.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.