Fana: At a Speed of Life!

Masuuliyiin uu hoggaaminayay Madaxweynaha DDS oo kormeer indha-indhayn ah ku tagay habsami-u-socodka qorshe-hagaha laga fulinayo magaalada Dhagaxle

Addis Ababa,Jan 08,2022 (Tihsas 30,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Masuuliyiin uu hoggaaminayay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa kormeeray habsami-u-socodka qorshe-hagaha laga fulinayo magaalada Dhagaxle ee degmada Gursum.

Qorshe-hagahan oo uu gacanta ku hayo Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Dhismaha DDS ayaa ka mida balan-qaad uu madaxweynuhu u sameeyay shacabka magaalada Dhagaxle xili ay uga warrameen dhibtii ka haysatay jid-xumadii ka jirtay magaalada.

“Runtii waxaannu magaaladan ku aragnay bulsho fahansan faa’iidada waddadu u leedahay shacabka, ku waasi oo si dhow iyo si fog-ba noogala shaqaynaya bixinta waddooyinka, kuna qanacsan duminta guryaha uu ku dhacayo qorshe haguhu”, Inj. Maxammed-nuur Muxummed Yuusuf.

Xigasho: XWDDS

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.