Fana: At a Speed of Life!

Masuuliyiinta Xafiiska Maal-galinta Iyo Warshadaha DDS oo qurbo-joogta u dhalatay Deegaanka Soomaalida ee ku soo qulqulaya caasimadda Deegaanka ugu baaqay in ay xafiiska iska soo diiwaan-galiyaan

Addis Ababa,DEC 30,2021 (Tihsas 21,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Masuuliyiinta Xafiiska Maal-galinta Iyo Warshadaha DDS ayaa qurbo-joogta u dhalatay Deegaanka Soomaalida ee ku soo qulqulaya caasimadda Deegaanka ugu baaqay in ay xafiiska iska soo diiwaan-galiyaan.

Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Maal-galinta Iyo Warshadaha DDS marwo Saynab Xaaji Aadan oo xafiiskeeda waraysi ku siisay war-baahinta DDS ee SRTV ayaa sheegtay in ay dalka soo gaadhayaan toddobaadyadan 1 milyan oo qurbo-joog ah oo ku imanaya baaqii uu bixiyay raysal-wasaaraha dr. Abiy Axmed, balse xafiis ahaan ay heegan ugu jiraan soo-dhaweynta iyo qaabbilaadda qurbo-joogta Deegaanka Soomaalida iyo 500 boqol oo kale oo qurbo-joog ah oo ka soo jeeda deegaannada dalka oo doortay in ay yimaadaan magaalada Jig-jiga

Xigasho: SRTV Somali

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.