Fana: At a Speed of Life!

Maxaa kasoo baxay shirkii maalgashiga ee magaaladda Jigjiga ka qabsoomay?

Addis Ababa,Jan 27, 2021 (Dir 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Shirkii maalgashiga ee dawladda deegaanka Somalida uuna soo qaban qaabiyey Xafiiska maalgashiga iyo Qurbajoogta, oo ka socday magaaladda Jigjiga 17-18-kii bishan Tir 2013 oo ku beeganayd 25-26-ka January 2021 ayaa waxaa ka soo baxay natiijooyin wax ku ool ah.

Shirkaasi oo ahaa kii ugu horreeyey ee noociisa lagu qabto dawlad deegaanka Somalida ayaa waxaa kasoo qayb-galey ganacsato ka kala socday waddamada deriska ah sida Djibouti, Somaliland, Somalia, Puntland iyo Kenya, iyo shirkado calaami ah oo ka socday South Africa iyo Turkey.

Waxa kaloo goob joog ka ahaa komishanka maagalgashiga heer Fadaral iyo dawlad deegaannada Hererida iyo Oromoramada ee dalkan Itoobiya.

Kulankan ayay ujeedadiisu ahayd in lagu soo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira Deegaanka Somalida iyo siyaasadaha saacidaaya dhiirigelinta maalgashiga iyo abuurista jawiga maalgashi ee dawladda deegaanka Somalida, iyada oo si gaar ah loo soo dhawaynayo maalqabeennada Somalida ah.

Waxaana daahfurey shirka madaxweynaha dawladda deegaanka Somalida Mudane Mustafa Muhumed Omar iyo Madaxa xafiiska maalgashiga iyo qurbajoogga DDS Mudane C/salaam Yuusuf Maxamuud.

Maalqabeennadii ka soo qayb-galay shirku waxa ay soo dhaweeyeen fursadihii maalgashi ee lasoo bandhigey. Halka maalqabeennadii iyo shirkaddiihii hore u maalgashaday deegaankuna ay soo bandhigeen badhaadhihii ay kala kulmeen ganacsiga deegaanka iyo caqabadihii ka horyimid ee u baahan in wax laga qabto taasi oo gacanta ku haboon laga siinayo.

Mudadii madasha lagu sugnaa ayay  maalgashadadayaashu soo bandhigeen ganacsiyada ay maalgashanayaan iyo firkaradaha ay rabaan in ay u daraasadeeyaan maalgashigooda.

Dhiniciisana Xafiiska Maalgashiga ayaa soo bandhigay in ka badan 40 daraasadood iyo qorshayaal ganacsiyeed oo laga diyaariyey qaybaha kala duwan ee ganacsiyada waaweyn iyo kuwa dhexe.

Dawladda deegaanka Somaalidu waxay ay soo bandhigtay goob warshadeedyo (Industrial Zones) si heer sare ah loo diyaariyey taas oo u fududaynaysa ganacsatadda inay si fudud warshado u maalgashadaan iyo dhulkii ku habboonaa wax soo saarka, sida beeraha iyo macdanta.

Xukuumada Deegaanka Soomalidu waxay soo dhawaynaysaa shirkadaha iyo ganacsatada danaynaya maalgashiga fursadaha dihin ee deegaanka Somalida iyo ganacsiga Ethiopia.

Kulanka noocan ah waxa uu noqon-donaa mid sanadle ah si loo dhiso loona kobciyo kalsoonida maalgashatada; meeshana looga saaro wax kasta oo caqabad ku noqon kara hana qaadka maalgashiga.

Xafiiska Warfaafinta DDS.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.