Fana: At a Speed of Life!

Midawga Afrika oo yeeshay kulan habka maqalka iyo muuqaalka ah si loo gorfeeyo muranka biyo-xidheenka.

Addis Ababa Jul 21,2020 (Hamle 14,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Ururka midowga afrika ayaa maanta yeelanaya kulan ay ku qaadanayaan habka casriga tooska ah ee maqal iyo muuqaalka si looga wada hadlo horumar laga gaadho xallinta khilaafaadka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee la xidhiidha arrimaha biyo-xidheenka (GERD).

Shirkan waxa uu ka qabsoomi doonaa Xafiiska shirarka ee dawlad goboleedyada iyo dawladaha midowga Afrika islamarkaana waxa shir-guddoominaya guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika (AU) Cyril Ramaphosa, ahna Madaxweynaha Koonfur Afrika.

Kulankan waxa uu qabsoomayaa iyada oo lagu saleynayo dadaallada Midowga Afrika ee lagu xoojinayo wada-xaajoodka iyo in la abuuro geedi-socod cusub oo ku waajahan xallinta dhammaan arrimaha sharciga iyo arrimaha farsamo, oo ay ku jirto arrinta horumarka mustaqbalka ee wabiga Niilka Buluuga ah iyo sidoo kale habka xallinta khilaafaadka mustaqbalka, ”ayaa uu yidhi madaxweynaha Koonfur Afrika.

Itoobiya waxa ka go’an hirgelinta dhismaha biyo xidheenka si ay wax uga qabato baahida sii kordheysa ee loo qabo xoojinta dagaalka lagula jiro saboolnimada.

Warbixinno ayaa sheegaya in Boqolkiiba 60 ka mid ah tirada guud ee dadweynaha Itoobiya aanay helin adeeg koronto isla markaana haweenka ku nool miyiga ay meelo aad u fog xaabada kasoo gurtaan si ay noloshooda ugu badbaadiyaan.

Itoobiya waxa ay filaysaa in biyo xidheenkeeda koronto ka dhalinta biyaha uu awood u yeelan doono in uu yareyn doono arrimaha murugsan ee dhaqan-dhaqaale.

Geesta kale ,Itoobiya, Suudaan iyo Masar oo ay wada hadallo ku saabsan arrimaha biyo-xidheenka bilihii la soo dhaafay ay u socdeen ayaan heshiis wax ku ool ah ka gaadhin arrinta ismaandhaafka dhalisay ee biyo-xidheenka .

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.