Fana: At a Speed of Life!

Milateriga Myanmar oo hakiyay bannaanbaxyadii dadweynaha ee dalkaasi

Addis Ababa,Feb 15, 2021 (Yekatit 08,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Tiro yar oo mudaaharaadayaal ah ayaa bilaabay inay isku urursadaan Myanmar, inkasta oo gawaadhida gaashaaman ay dhooban yihiin jidadka magaalooyin dhowr ah.

Heeganka militariga oo aad u sarreeya ayaa ah calaamadii ugu dambeysay ,ee suurtagalnimada ah in la maquuniyo mucaaradka ka soo horjeeda afgambigii ay sameeyeen 1-dii Febraayo

Boqolaal kun oo qof ayaa ka qeyb qaatay banaanbaxyadii 10-kii maalmood ee la soo dhaafay, iyagoo dalbanayay in dimuqraadiyaddii dib loo soo celiyo.

Waxay sidoo kale doonayaan in madaxdii la doortay laga siidaayo xabsiga.

balse Isniintii, waxaa la soo wariyay in hoggaamiyaha rayidka Aung San Su Kyi la sii hayn doono laba maalmood oo dheeri ah, sida uu qabo qareenkeeda, Khin Maung Zaw.

Aung San Su ayaa lala xidhay xubno kale oo ka tirsan dowladda saacadihii hore ee 1-dii Febraayo, balse xadhiggeeda ayaa lagu waday inuu soo afjarmo maanta, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Aung San Su Kyi Xisbigeeda ayaa si aqliyad ah ugu guulaystay doorashadiii dalkaasi ka dhacaday bishii November ee la soo dhaafay, balse militariga ayaa ku eedeeyay  in doorashadii dhacday lagu shubtay iyagoo aan keenin wax caddeymo.

Milatariga Myanmar ayaa sabtidii sheegay in waaran qabasho loo jaray toddobo ka mid ah kooxaha mucaaradka ee caanka ah waxayna uga digeen dadweynaha in aysan gabbaad ka dhiganin qaswadyaasha mucaaradka ee ka firxanaya xadhigga.

Milateriga Myanmar ayaa 1-dii bishan Febraayo adgambi kula wareegay xukunka dalkaasi iyaga o xabsiga dhigay hoggaamiyihii dalkaasi  Aung Sanu Kyi oo ay ku eedeeyeen in ay ku kacday kushubasho doorasho.

xaaladda Myanmar ayaa ah mid kacsan tan markii ay milateriga dalkaasi ay xukunka ka tuureen Aung San Su.

Madaxweynaha maraykanka Joe Biden ayaa mar sii horraysay cunaqabatayn ugu hanjanay dalkaasi ,haddii ay milaterigu xukunka gacanta usoo gelin waayaan xukuumadda rayidka ah.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.