Fana: At a Speed of Life!

Munaasabadda 3aad ee xuska todobaadka Dhaqanka Deegaanka oo lagu qabtay magaalada Jigjiga

Addis Ababa,Mar 20, 2021 (Megabit 11,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xuskani waxaa kasoo qaybgalay Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar, Wasiiru Dawlaha wasaarada dhaqanka iyo dalxiiska JDFI Marwo Bisunesh Masarat, iyo xubno kale oo heer federaal ah, masuuliyiinta xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska, masuuliyiinta xafiisyada heer Deegaan, kooxaha dhaqanka ee gobolada Deegaanka, iyo marti sharaf kale.

Munaasabaddani oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Qaryaan Dhoodaan, ayuu gundhiggeedu yahay “kor uqaadida dhaqanka Suuban iyo isdhex-galka bulshada” waxaana lagusoo bandhigay khayraadka dhaqanka iyo midka taariikheed ee soomaalidu dhaqanka uleedahay.

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar oo munaasabaddani kahadlay ayaa sheegay in Dhaqanku uusan ahayn kaliya cuntooyinka iyo agab- dhaqameedyada oo kali ah, ee waxaa ugu muhiimsan ay’tahay guud ahaanba akhlaaqda bulshada, anshaxa iyo hab-dhaqanka shaqsiga.

“Bulsho udub-dhaxaadkeeda waxaa muhiim u’ah Dhaqankeeda” ayuu yidhi Mudane Mustafe Muxumed Cumar Madaxwaynaha DDS.

“Dhaqanku waa jiritaanka ummaddeena”
Waxay ahayd Hal-kudhaga munaasabadda xuska 7-aadka dhaqanka.

Wasiirka Xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska DDS mudane Ilyaas Abiib ayaa sheegay in sanadadan danbe uu bulshada kusoo badanayo badhaxa afka-hooyo iyo dhaqan guur balse loo baahan yahay in dhaqanka bulshada soomaaliyeed la kobciyo.

Sida lawada ogsoonyahay waxay bulsho jiri kartaa inta uu dhaqankeedu jiro, iyadoo taasi lagaduulayana Xukuumada Deegaanka ayaa wadda dadaalo lagu horumarinayo hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida, islamarkaasna kor loogu qaadayo afka-hooyo.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.