Fana: At a Speed of Life!

Munaasabadii dhaqaale-uruurinta dhibbenayaashii uu tacaddigu ka soo gaadhay colaadihii Deegaanka Soomaalida oo caawa oo keli ah loogu in ka badan 75 Milyan oo Birr

Addis Ababa,July 09, 2021 (Hamle 02,2013 T.I (FBC/SOMALI)-In ka badan 75 Milyan oo Birr ayaa caawa kali ah loogu deeqay dhibbenayaashii uu tacaddigu ka soo gaadhay colaadihii Deegaanka, welina way sii soconaysaa.

Munaasabadda dhaqaale-uruurinta oo ka dhacday barxadda madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa masuuliyiinta sare ee dawladda oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar, madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, Inj. Maxammed Shaalle, wasiirka Xafiiska Biyaha DDS, Mudane C/raxmaan Axmed Xasan, masuuliyiinta Ururka ONLF, Mudane Rayaale Xaammud iyo Mudane Axmed Yaasiin, odeyaasha, ganacsatada iyo marti-sharaf kale.

Dhiire Caafi oo ka mid ahaa maxaabiistii Jeel-ogaadeen, madashanna ka hadlay ayaa sheegay in tacaddiyadii ka dhacay jeelka oo ay geysanayeen shaqsiyaad Soomaali ah uusan marnaba ku arag goob kale.

” Afar (4) qalliin oo caafimaad ah baan galay kaddib markii aan jeelka kasoo baxay, waxa aana ka mid ahaa qiyaas ahaan dadkii ugu dhibaato yaraa tacaddigii ka dhacay Jeel-ogaadeen”, Dhiire Caafi.

“In aan baranno dhaqanka is-caawinta binu’aadamtinnimo weeyaan, ujeeddada laga leeyahay in aynnu kulammo noocan ahi qabannona macnaheedu ma ahan in aysan dawladdu tabar ay ku caawiso haynnin dadkii tacaddiyadu ay soo gaadhen; mar walibana kaalinta ugu weyn dawladda ayaa ka qaadata dhinaca tabarrucaadda iyo caawintaba”, ayuu yidhi Mudane Mustafe Muxummed Cumar, Madaxweynaha DDS.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ururrada iyo shakhsiyaadka siyaasadda ay isku hayaan in ay u midoobaan danta guud ee shacabka, iyada oo la kala afkaar iyo siyaasadba duwan yahay.

Ugu danbayn, Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar oo ku hadlayey afka xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa ugu yaboohay 50 Milyan oo Birr dadka ay tacaddiyadu soo gaadheen.

Muddo ay caddaalad sugahayeen dhibbenayaashii tacaddiyaddu soo gaadheen kaddib, waxaa baryahan socda dadaallo ay xukuumaddu waddo oo xaq iyo xuquuqba ay ku helayaan dulmaneyaashaasi, taasi oo yadidiilo iyo rajo weyn ku abuuraysa dhibbenayaashan maskax ahaan iyo nolol ahaamba.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.