Fana: At a Speed of Life!

Nabadsugidda dalalka Itoobiya iyo koonfurta Suudaan oo kala saxeexday iskaashi dhanka amniga ah

Addis Ababa Sep 2, 2020 (Nehaase 27,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Nabadsugidda dalalka Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ayaa isku raacay (ku heshiiyay) in ay ka wada shaqeeyaan arrimaha la xidhiidha nabadgelyada.

Agaasimaha Guud ee Adeegga Macluumaadka iyo Amniga Qaranka (NISS) ee dalkan Itoobiya, Demelash Gebremichael ayaa shalay la kulmay Agaasimaha Guud ee nabadsugidda Amniga Dibadda ee dalka koonfurta Suudaan  Taliye sare. Thomas Duoth. Kulanka ka dib, labada dhinac waxay ku heshiiyeen iskaashi ka dhan ah la dagaalanka hubka sharci darada ah iyo argagixisada iyo waliba arrimo kale oo la xidhiidha amniga xuduudaha.

labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen inay si dhow u wada shaqeeyaan oo ay isdhaafsadaan xogaha ,si wax looga qabto sababaha keenaya hubka faraha badan ee  sida sharci darrada ah ugu soo qulqulaya Itoobiya soona dhexmaraya Koonfurta Suudaan.

Xakamaynta soo gelinta hubka sharci darrada ah ee Itoobiya laga soo gelinayo dhinaca Koonfurta Suudaan waxa ay gacan weyn ka geysaneysaa amniga labada dal, ayay ku sheegeen bayaan ay soo saareen kulankaa kadib.

Wadaxaajoodka labada dhinac ayaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo fashilin lahaa dhaqdhaqaaq kasta oo dhaawici kara danaha qaran ee labada dal iyadoo la iswaydaarsanayo isdhaafsiga macluumaadka(xogaha).

Geesta kale ,labada dhinac waxa ay sida wajir ah uga hawlgeli doonaan dadaalada lagula dagaallamayo qulqulka hubka sharci darrada ah, argagixisada iyo dambiyada xudduudaha, sidoo kale labada dhinac waxa ay ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan arrimaha gobolka iyo dhisitaanka tayada waaxaha.

Hay’adda nabadsugidda Itoobiya (NISS) ayaa munaasabadda ka dib balanqaadday in la aqabanqaabiyo tababarro kor loogu qaadayo tayada waaxda nabadsugidda ee dalka koonfurta Suudaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.