Fana: At a Speed of Life!

Qadar oo tariikhda markeedii ugu horraysay qabanaysa doorashada golaha sharci-dejinta

Addis Ababa,Aug 23,2021 (Nehase 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Dowladda Qadar ayaa ku dhawaaqday taariikhda ay qabanayso doorashada golaha sharci -dejinta ee ugu horreeyey abid taariikhda dalkaasi, waxaana haatan la furay diiwaangelinta musharraxiinta.

Doorashadani oo dhawr jeer oo hore dib loo dhigay ayaa haatan waxaa la shaaciyay goorta ay dhaceyso codeynta golaha shuurada ee dalkaasi ku yaal khaliijka.Sida ku cad wareegto rasmi ah oo ka soo baxday Amiirka haya xukunka dalkaasi, codeynta ayaa dhici doonto 2-da Oktoobar ee saandkan.

Go’aanka ugu dambeeya ee arrimaha dalkaasi waxaa wali leh amiirka dalka, haseyeeshee golaha shuurada ama sharci-dejinta ayaa la filayaa in uu ansixiyo miisaaniyadda dawladda isla markaana uu yeesho awoodo kale oo dheeraad ah.

Xisbiyada siyaasadda ayaa weli mamnuuc ka ah dalka Qadar, waxaana durbaba ay dood ka dhalatay cidda xaqa u leh in ay codeyso.

Shakhsiyaadka doonaya in ay tartanka galaan ayaa waxa ay wajihi doonaan baaritaan ay ku sameynayaan saraakiisha dalkaasi.Kuwa rajaynaya inay istaagaan waxay wajihi doonaan baadhitaan rasmi ah.

Dalka Kuwait ayaa ah boqortooyada kaliya ee ku taal Khaliijka oo ilaa iyo haatan awood buuxda siisa baarlamaan la soo doortay.

Waddamada deriska la ah dalka Qadar ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo horjeedaan qorshaha doorashada Qadar.

Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ayaa sheegaya in waddamada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay ka baqayaan in doorashooyinka ka dhacaya Qadar ay horsed u noqdaan in muwaadiniinta dalalkooga ay dalbadaan dimuquraadiyad iyo in dalalkaasi ay doorasho ka dhacdo, arrintaa oo qoysaska xukunka haya aysan ku qanacsanayn.

Dadka reer Qadar ayaa soo dooran doono 30 xubnood oo ka mid noqonaya golaha 45 xildhibaan ka kooban halka Amiirka dalkaasi Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thani uu soo magacaabi doono 15 xubnood ee hartay.

BBC

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.