Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal wasaare Abiy oo sheegay in Itoobiya ay si buuxda u garab taagan tahay Suudaan

Addis Ababa,Sep 28,2021 (Maskarem 18,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa caddeeyay in Itoobiya ay si buuxda u taageereyso dalka Suudaan.

Ra’iisal wasaaraha ayaa yidhi ’’Itoobiya waxa  ay kaalinteeda ka qaadanaysaa fulinta himilooyinka dadyowga labada dal ee walaalaha ah ee ku aaddan dhinacyada horumarka, barwaaqada iyo caddaaladda bulshada’’.

“Waxaan u rajaynaynaa walaalaha iyo dadweynaha Suudaan in xaaladdaha cakiran ee hadda ay ku jiraan kaga gudbaan si xirfadaysan oo caqli ku jiro.

Waxaan aaminsanahay in Suudaan aysan sinaba aanay u oggolaan doonin faragelin shisheeye, iyo amarro loo yeedhiyo, ”ayuu yidhi Ra’iisal Wasaarahu.

Waxa kale oo uu sheegay in Itoobiya iyo Suudaan ay waajahayaan caqabado xilli ay ku jiraan dhisidda aasaaska dimoqraadiyadda, Ra’iisul wasaare Abiy waxa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacabweynaha Itoobiya ay si dhow ula socdaan xaaladda hadda ka taagan Suudaan iyagoo u rajaynaya in si wanaagsan ay uga gudbi doonaan.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Suudaun ay ka gudbi doonto duruufaha haatan soo food saaray, iyagoo aanay soo dhexgelin wax faragelin dibadeed ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.