Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal wasaaare Abiy oo sheegay in sii daynta maxaabiistu ay qayb ka tahay aslixinta nabad taam ah oo ka hanaqaadda dalka

Addis Ababa,Jan 10,2022 (Dir 02,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Dr.Abiy Axmed ayaa caddeeyay in guusha laga soo hooyay dhinaca dagaalka kasakow, loo baahanyahay in cafis loo fidiyo kuwa aanu kaga guulaysanay dhinaca dagaalka.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa waxa uu hadalkaasi kaga dhawaaqay mar xadhiga laga jarayay shalay dhismaha cusub ee xarunta gaashaandhiga ciidanka qaranka Itoobiya.

Waxa kale oo uu isla munaasibaddan abaalmarrimo iyo billadaba ku siiyay saraakiishii doorka geesinimo ka galay intii ay socdeen dagaallada waqooyiga dalka ee lagula dagaalamayay kooxda TPLF.

Waxaana uu munaasibadii shalay ka qabsoontay xarunta cusub ee wasaaradda gaashaandhiga dalka ka sheegay in mahadnaq qaali ah ay mudanyihiin dhammaan halyeeyada kaalinta libaax ka qaatay guusha dalku ku hantiyay dagaalkii lagula jiray kooxda argagixisada TPLF .

Mar uu Ra’iisal wasaaruhu ka hadlayay xubnaha cafiska loo fidiyay, ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay sidii guusha laga gaadhay dhanka dagaalka gogol-xaadh loogaga dhigi lahaa dhinaca aslixinta nabad taam ah oo ka hanaqaadda dalka.

Dhanka abaalmarinta iyo billadaha la guddoonsiiyay saraakiisha ciidamada milateriga ayaa waxa ay isugujiraan Biladaha Adhwa iyo Tikur Ambessa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.