Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo maanta booqday xarunta farsamaynta xubnaha macmalka ah ee dadka

Addis Ababa,Jan 28, 2021 (Dir 20,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa maanta booqday xarunta farsamaynta xubnaha macmalka ah ee dadka ee ku taala magaaladan Addis Ababa.

Ra’iisul wasaaraha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yidhi “Maanta waxaan booqday xarunta farsamaynta xubnaha macmalka ah ee Ciidamada qalabka sida iyo dadka rayidka ah.”

“Waa arrin mudan in la bogaadiyo tabaruceyaashii iyo shaqaalahii ka hawlgalayay xarunta farsamaynta xubnaha macmalka ee dadka ,gacantii ay ka geysteen kaalmaynta ciidankii ku dhaawacmay hawlgalkii sharci fulinta iyo waqtiyadii kaleba.

“Dadka sida Solomon Amare oo kale ah, oo ka yimid dibedda islamarkaana ku tabarucay arrintan weyn, waa in si weyn loo dhiirrigeliyaa.”

Booqashada RW Abiy Axmed ee Xaruntan ayaa meesha ka saartay warar aan sal iyo raad toona lahayn oo muddooyinkii u dambeeyay la wareejinayay baraha xidhiidhka bulshada islamrkaana dad badani ku hafteen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.