Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed oo ka qayb galay shirmadeexdkii 38aad ee Urur goboleedka IGAD

Addis Ababa,Dec 20, 2020 (Tehsas 11,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa ka qeyb galay shir madaxeedkii 38aad ee aan caadiga aheyn ee ay iskugu yimaadeen madaxda urur gobaleedka IGAD kaas oo si toos uga socday magaalada Jabuuti.

Intii uu socday kulankani ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay warmurtiyeed uu kaga hadlayay kulanka ay yeesheen xubanha urur goboleedka IGAD ,waxaana uu yidhi “Xoojinta xasilloonida gobolkeennu waxay ku saleysan tahay iskaashiga koritaanka iyo horumarka,” waxaana uu qoraalkiisa sii raaciyay, “Waan ku faraxsanahay ka hoggaamiyeyaal ahaan in aan miiska iskugu iman karno oo aan kaga wada hadalno arrimaha cakiran ee gobolkayaga”.

Dhinacyada ay kulammada ku wada qaateen shir madaxeedka waxa kamid ahaa Ra’iisal Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamdook si ay u gorfeeyaan danaha labada dal ,waxaana uu kulankoodani daarranaa kulan labada hoggaamiye ay hore ugu yeesheen magaaladan Addis Ababa.

Wuxuu sidoo kale RW Abiy kulan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) kulankaas oo labada hoggaamiye ay kaga wada arrinsadeen isbedeladii u dambeeyay ee gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Rebecca Nyandeng De Mabior oo ah Madaxweyne ku xigeenka dalka koonfurta suudaan iyo raiisul Abiy ayaa sidoo ka wada xaajooday arrimaha labada dal iyo dadaalada nabadeed ee ka socda dalka Koonfurta Suudaan.

Kulankan shir-madaxeedka ee ay yeesheen  dalalka ku bahoobay urur-goboleedka IGAD islamrkaana uu martigelyay madaxweynaha dalka Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxa sidoo kale kasoo qayb galay madaxweynha dalka Kenya Uhuru Kenyata,iyo guddoomiya ururka midowga Afrika Muusa Faki Maxamed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.