Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo ku dhawaaqay xubnaha golahiisa wasiirada ee xukuumada cusub

Addis Ababa,Oct 06,2021 (Maskarem 26,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Dr Abiy Axmed ayaa maanta baarlamaanka horkeenay xubnaha golaha wasiirada ee cusub ee uu usoo magacaabay xukuumadiisa cusub ,waxaana ay kala yihiin sida tan:

1.Mudane cumar xuseen -Wasiirka beeraha  2. Mudane Malaku Allebal – wasiirka warshadaha 3.Gebremeskel Chala-wasiirka ganacsiga iyo iskuxidhka mandaqada  4. Eng.Taakale umma – wasiirka macdanta iyo Batroolka 5. Danjire Naasise Jaali – wasiirka dalxiiska.

6. Marwo Mufariyaat kaamil – wasiirka shaqada iyo xirfadaha 7. Mudane Axmed Shide – wasiirka maaliyada 8.Mudane Ayelew laaqe – wasiirka dakhliga 9. Dr Fitsum Asefa- wasiirka qorshaynta iyo horumarinta.

10.Mudane Balate Moola – wasiirka curinta iyo tiknoolajiyada 11. Degmait Moges-wasiirka gadiidka iyo adeega guud .

12.Marwo Chaltu Sani – wasiirka magaalooyinka iyo horumarinta aasaasiga. 13.Eng Habtaamu Hitaaf – wasiirka biyaha iyo tamarta.

14.Eng.caa’isha Maxamed Musa-wasiirka dooxooyinka iyo dhul abaareedka 15.Dr birhanu Nega wasiirka waxbarashada 16. Dr liya Tadhase wasiirka caafimaadka. 17. Wasiirka haweenka iyo arrimaha bulshada Dr. Ergoge Tesfaye 18. Mudane Qajeele Mardaasa-Wasiirka dhaqanka iyo ciyaaraha .

19.Dr Abraham Belay -wasiirka gaashaan dhiga 20. Mudane Dhamaqe Makonin -Wasiirka wasaarada arrimaha dibedda 21. Dr gediyon Timatiwoos – wasiirka cadaaladda 22. Mudane Binalfi Andualem – wasiirka wasaarada nabadda.

Marka laga reebo xubnaha xisbiga Barwaaqo, saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha xisbiyada tartamayay ayaa lagu soo daray xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumada cusub kuwaas oo kala ah Xisbiga Muwaadiniinta Itoobiya ee Caddaaladda Bulshada (EZEMA), Xisbiga dhaqadhaqaaqa qaran ee Amxaarada (NAMA), iyo xisbiaga OLF, Professor Birhanu Nega, Belete Mola iyo Merdasa Tulu oo noqonaya Wasiirrada Waxbarashada, Hal -abuurka iyo Teknolojiyada iyo Dhaqanka iyo Ciyaaraha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.