Fana: At a Speed of Life!

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka iyo wefti uu hoggaaminayay oo gaadhay magaalada New York si ay uga qayb galaan shir-madaxeedka guud Qaramada Midoobay

Addis Ababa,Sep 21,2021 (Maskarem 11,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Demeke Mekonnen iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa gaadhay magaalada New York ee dalka Mareykanka si ay uga qeybgalaan shirweynaha guud ee 76aad ee Qaramada Midoobay (UN).

Kalfadhiga 76-aad ee ururka Qaramada Midoobay ayaa hal-ku-dhig looga dhigay“Dhisidda adkeysiga iyada oo la rajaynayo in laga soo kabto aafada COVID-19, iyo sidii loo Samayn lahaa dib-u-dhis waara, ka jawaabidda baahiyaha caalamka, xushmeynta xuquuqda aadanaha, iyo dib-usoo-nooleynta Qaramada Midoobay.”

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, Danjire Dina Mufti, iyo masuuliyiin kale, ayaa ka mid ahaa wafdiga Itoobiya ee shir-madeexka Qaramda Midoobay Kaga qaybgalaya magaalada New York.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.