Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy: Hawshii dib u dhiska deegaanka Tigray way bilaabatay

Addis Ababa DEC 06, 2020 (Hidar 27,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Raiisel wasaare Abiy Axmed ayaa ku dhawaaqay bilaabidda dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaankaTigray.

“hawshii dib u dhiska deegaanka Tigray waxa bilaabay kooxo loo xilsaaray dayactirka kaabayaashii burburay si dib loogu soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa.”

Dadaallada gargaarka bini’aadanimo ee dowladdu waddo ayaa sidoo kale la sii wadi doona si loo xoojiyo gaadhsiinta gargaarka ee dadka nugulka ah, ayuu Ra’iisal wasaare Abiy hoosta ka xarriiqay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa intaa ku daray in dawladdu soo celin doonto, dibna u dhisi doonto islamarkaana horumarin doonto kaabayaasha dhaqaalaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.