Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy iyo madaxweyne Isaias oo tamashle ku tegaya beerta dabiiciga Entoto

Ababa Oct 14, 2020 (Tiqimti 04,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed iyo madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa booqasho ku tegaya beerta dabiiciga ee loo yaqaan ‘Entoto Natural Park’, oo ah goob lagu caweeyo oo buuralay ah oo dhawaan laga furay dhanka waqooyiga ee magaalada Addis Ababa.

sida aanu kaso xiganayay hay’adda warbaahinta ee Itoobiya madaxweynaha Eritrea ayaa laba jeer hore u booqday beerta dabiiciga  ‘Entoto Natural Park’ iyada oo haatan ay tahay markii saddexaad ee uu booqasho ku tago goobtan.

Ra’iisal wasaare Dr Abiy Ahmed ayaa hor u daah-furay mashruuca beerta dabiiciga 10-kii bishan aynu ku jiro ee Oktoobar,iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen masuuliyiin sar sare oo dowladda ka tirsan, xubno ka socda beesha caalamka iyo dad caan ah-ba.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa Sabtidii aynu soo dhaafnay xadhiga ka jaray beerta dabiiciga ah ee Entoto Natural Park, oo ka mid ah mashaariicda cagaaran iyo kuwa muuqaal qurxineed ee laga hirgeliyay magaaladan Addis Ababa.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.