Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy Oo Daah-Furay Adeeg cashuur urineed oo casriya

Ababa Sep 13, 2020 (Maskerem 3,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa  maalinnimadii sabtidii daah-furay barnaamij casriya ah oo cashuurta lagu ururinayo.

Ra’iisul wasaaruha JDFI,  ayaa munaasibadda daahfurka ka xusay in adeegga cashuuraha ee aan warqaddaha la isticmaalayn ay faa’iidooyin dhinacyo badan leh u leedahay dalka.

Tiknoolajiyadda cusub ayaa sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaraysa xoojinta dhaqaalaha dalka iyadoo horumarinaysa adeegyada islamarkaana dhiirigelinaysa maalgashiga adduunka.

“Waxaan sii wadi doonnaa fulinta adeeg bixinta tikniyoolajiyadda ee dhammaan waaxaha.” Raiisel wasaare Abiy ayaa munaasabada ka yidhi.

Sida la xaqiijiyay, Guddiga cashuuruhu ayaa qabtay hawlo badan oo dib-u-habeyn hay’adeed ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.