Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo daah-furay waddo laami ah oo isku xidhaysa magaalooyinka Jimma iyo Chida.

Addis Ababa,Feb 23, 2021 (Yekatit 16,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa ka qayb galay daahfurka dhismaha mashruuca waddada laamiga ah ee isku xidhaysa magaalooyinka Jimma iyo Chida.

Musaasibadii dhagaxdhiga mashruuca waddadan laamiga ah ayaa ka qabsoontay magaalada Chida gaar ahaan degmada Konta ,waxaana daahfurka mashuuuca Ra’iisal wasaaraha ku wehelinayay xubno ka tirsan Golaha wasiirrada oo uu ugu horreeyo Ra’iisal wasaare kuxigeenka ahna wasiirka arimaha dibedda Demeke Mekonen.

Qandaraaska mashruuca wadadan oo dheerkeedu uu dhanyahay 80km ayaa waxa ku guulaysatay shirkada ”China Tiesju Civil Engineering Group Co, LTD” waxaana loo qorsheeyay in lagu soo gabagabeeyo muddo afar sano gudahood ah.

Waddadan oo ay ku baxayso addduun lacageed oo dhan 2.4 bilyan oo Birr ,ayaa waxa taageero maalgelineed ka geysanaya Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB), Hay’adda iskaashiga caalamiga ah ee Japan (JICA) iyo dowladda Itoobiya.

”Maadaaama deegaankani yahay goob ay ka baxaan kafeega (Bunka) iyo khudraddu,waxa ay dhismaha waddadani gacan ka geysan doontaa in waxsoosaarkooda ay beeralaydu u iibgeeyaan suuqyada maxalliga iyo kuwa caalamkaba”. ayuu hoosta ka xariiqay RW Abiy.

sidoo kale waddadan ayaa isku xidhaysa degaannada Oromada iyo Shucuubta koonfureed,islamarkaana dalxiisayaasha u sahli doonta in ay u dalxiis tagaan beer-dalxiiseedka qaran ee ”Chebera Churchura national park” waxba badana ku kordhin doonta mashruuca quwad koronto ka dhalinta biyaha ee koysha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.