Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo dib ugu soo laabtay dalka ka dib safar shaqo oo uu ku tagay dalka Eritareeya.

Addis Ababa Jul 20,2020 (Hamle 13,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa xalay dalka ku soo laabtay ka dib markii uu soo gebagabeeyey booqasho shaqo oo qaadatay laba maalmood oo uu ku joogay dalka Eritareeya.

Intii uu Ra’iisal wasaaruhu ku guda jiray booqashadiisa, waxa uu wada xaajood la yeeshay  Madaxweynaha Eritareeya Isaias Afwerki iyaga oo ka  wada hadlay sii xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ee diiran ee ka dhexeeya labada dal iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga gobolka.

Labada hoggaamiye waxa ay isla eegeen horumarrada la gaadhay iyo caqabadihii ka hor yimid labadii sano ee la soo dhaafay hirgelinta ku dhawaaqistii heshiiskii taariikhiga ahaa ee nabadda iyo saaxiibtinimada ee ay kala saxiixdeen labada dal bishii Luulyo ee sannadkii  2018kii.

Sida uu sheegay Yemane Gebremeskel, Wasiirka Warfaafinta ee Eritareeya, labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay sii xoojiyaan xidhiidhka laba geesoodka ah, wax wada qabsashada, iyo iskaashiga labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale isla gartay in laga wada shaqeeyo kor u qaadista iskaashiga gobolka geeska Afrika oo si cad loo ogyahay in uu muhiim u yahay kobcinta xidhiidh wanaagsan oo ku xidhan is-waafajinta (wada shaqaynta) labada dhinac.

Gessta kale,Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale booqday mashaariicda horumarineed ee dhinaca beeraha iyo kaabayaasha dalka Eritareya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.