Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo gaadhay Magaalo-xuduudeedka Mooyaale

Addis Ababa DEC 09, 2020 (Hidar 30,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa gaadhay magaalo-xuduudeedka Moyale,isaga oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood qaadanaysa ku tagaya dalka Kenya.

Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa markii uu u tallabbay dhanka dalka Kenya (Magaalo-xudeedka Mooyaale) waxa si diirran halkaas ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo masuuliyiin kale oo sarsare.

Labada hogaamiye ayaa waxa la filayaa in ay booqdaan isla markaana ay kormeeraan magaalo-xuduudeedka Moyaale iyo waliba dekada cusub ee gobolka Lamu ee Kenya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.