Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo kulan lagu gorfaynayo qorshe hawleedka saddexda bilood ee socda la qaadanaya hoggaamiyayaasha dowlad deegaannada

Addis Ababa,May 16, 2021 (Ginbot 09,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisel wasaare Abiy Axmed ayaa kulan wadatashi ah la yeelanaya hoggaamiyayaasha dawlad deegaannada dalka ,kulankaas mudnaanta lagu siinayo xaaladda haatan uu dalku marayo.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa qoraalkiisii ​​ugu dambeeyay ee uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in kulan laba maalmood qaadanaya uu la yeelanayo hoggaanka deegaannada ,kaas noqonaya mid diiradda lagu saarayo arrimaha qaranka iyo ka juquraafi-siyaasadeed ee dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in kulankan sidoo kale looga golleeyahay in lagu gorfeeyo  qorsheynta howlaha ka dowlad ahaan la qabanayo saddexda bilood ee soo socda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.