Fana: At a Speed of Life!

RW Abiy oo masuuliyiinta heer federaal iyo heer deegaan-ba kala xaajooday doorashada soo socota

Addis Ababa,Feb 24, 2021 (Yekatit 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa maanta kala xaajooday masuuliyiinta sarsare ee heer federaal iyo heer deegaanaba leh, arrimo ku saabsan doorashada soo aaddan ee dhacaysa bisha ee Juun, 2021.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in kulankan la isla qaatay in la kala saaro oo aanay isku dhex milmin howlaha dowladda iyo xisbiyada.

Doorka cad ee dowladdu waa inay hubiso in si nabad ah, xor ah oo xalaal ah ay ugu dhacdo doorashada ,sida aadka ah loo wada sugayo.ayaa la iftiimiyayay.

Mar uu Ra’iisal wasaaruhu ka hadlayay arrimaha doorashada, waxa uu yidhi ”Ruuxdaas oo kale ayay tahay in dowlad deegaannaduna ay sidoo kale sameeyeen ballanqaadyo lagu taageerayo xisbiyada siyaasadeed ee tartamaya ,si siwax ku ool ah looga qayb qaato”.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.