Fana: At a Speed of Life!

RW iyo marwada koowaad oo gaadhay magaalada Bahir Dar

Ababa Oct 07, 2020 (Maskerem 27,2013 T.I) (FBC/SOMALI)-Ra’iisal wasaaraha JDFI DR.Abiye Axmed iyo marwada koowaad ‘’zinaash Tayajju’’ ayaa ka qayb galay munaasibad furitaan goob warshadeeed oo ka dhacday magaalada Bahir Daar ee deegaanka amxaarada.

Waxaana munaasibada Ra’iisal wasaaraha iyo marwada koowaad ku wehelinayay madax sare oo isug jiray heer federaal iyo deegaanka Amxaarada.

Qaybta koowaad ee dhulkaasi ayaa waxa ay ka koobantay 75 hektaar ,halka qaybta labaadna ay tahay dhul baaxaddiisu ay dhan tahay 125 hektar.

Goobtaaas ayaa sida la filayo waxa fursado shaqo ka heli doona shaqaale tiradooda lagu qiyaasay 4 kun oo qof oo si joogto ah u shaqaynaya iyo sidoo kale min 10 kun oo labada gelin ka kala shaqayn doona.

Dhanka kale,Waxa fursad shaqo ka heli doonaa dadkii laga raray nawaaxiga laga dhisay wershadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.